Dhagayso: Madaxweyne Dr Gaas ”Horumarka aan la rabno Bosaso & waxa laga hadlayaa isma lahan”

01 oktoober 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay VOA waraysatay ayaa ka hadlay Dhismaha, balaarinta iyo casriyeyta dekedda Bosaso, wuxuuna sheegay isagoo ka hadlaya dadka qaylinaya horumarka ay la rabaan Bosaso iyo waxa laga hadlayaa inaysan islahayn.

31c1

Madxaweyne Gaas oo sharaxa sida uu doonayo inuu u horumariyo Bosaso ayaa sheegay waxaan doonaynaa Konteener terminal wayn inay yeelato dekeddu, dekeddu ay noqoto mid casri ah waana guul ay Puntland gaarto. Gaas ayaa kusii daray inay mustaqbalka ay Bosaso noqoto meel lagu kala waarido Konteenarada aduunka maadaama ay meel muhiim ah ku taal, waxaana sanadkii mara Xeebteena 30.000 Markab.

Dr Gaas oo wax laga waydiiyey waxa run ka ah in dawladda Itoobiya ay ku leedahay dekedda Bosaso 27% ayaa ku jawaabay in warkaas aysan waxba ka jirin.

Madaxaweyne Gaas oo wax laga waydiiyey inay DPWorld Canshuurta ku kordhin doonto dadka ayuu ku jawaabay inaysan waxba ka jirin ayna tahay dawladda Puntland cida Canshuurta qaadaysaa waxa kaliya oo ay Shirkadu qaadaysaana waa khidmada dekedda.

Dhanaka kale madaxweyne Dr Gaas ayaa waraysiga wuxu kaga hadlay qodobo kale oo ay ka mid yihiin Xiisadda maamulka Galmudug iyo Shirka Kismaayo ka dhacaya ee dawladda xubnaha ka dawladda fadaraalka.

Dhagayso waraysiga madaxweyne Dr Gaas ee VOA


Puntlandes.com

About The Author