Fahad Yassin: Puntland waa Kurdistanta Soomaaliya!

32

Fahad Yaasiin Xaji Dahir Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waa suxufi horey ugu soo shaqeeyey warbaahinta Qatar laga leeyahay ee Aljazeera, wuxuuna kamid ahaa xubnihii xisbigii la baxay Damuljadiid ee gacanta weyn siiyey inuu xilka Madaxweynaha ku guuleysto doorashadii 2012, Madaxweynihii hore Xassan Shiikh Maxamuud.

Fahad Yassin ayaa sidoo kale horey isugu magacaabay (Researcher) ka hawlgala xarunta [Al-Jazeera Center for Studies], xiligaasi oo uu warbixino ka qori jiray xaalada Soomaaliya iyo Siyaasada dalka.

Ciwaanka kor ku xusan ayaa qeyb ka ahaa warbixin dheer oo uu sanadkii 2014 ka qoray Puntland iyo Xiriirka maamulkaasi la leeyahay Dowlada Federaalka.

Fahad ayaa la sheegaa inuusan qarsan cadaawada uu u qabo maamulada Federaalka waana nin u ololeeya dib usoo celinta nidaamkii dowlada dhexe oo awoodleh, si awooda dalka ay ugu soo aruurto xarunta Villa Soomaaliya ee ku taal Wardhiigley.

Taariikhda oo aan wax laga baran waxay keentaa in khaladaadkii hore dib loogu noqdo.

Fahad wuxuu kamid ahaa xubnihii ka dhaadhiciyey Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud inuu marka uu xilka qabto go’adoon siyaasadeed la beegsado maamulka ugu weyn ee xubinta ka ah Federaalka (Puntland), si loo wiiqiyo awooda maamulada Federaalka iyadoo la dhinac marayo Dastuurka dalka u yaal.

Inkastoo Madaxweyne Xasan siyaasadaasi qaatay bilowgii xukunkiisa, hase yeeshee sanado kadib ayuu fahmay in wadadaasi ahayd mid lagu khaldamay.

Maqaalkiisi uu ku daabacay Fahad barta Aljazeera ee Carabiga oo ku sheegay PUNTLAND inay lamid tahay KURDIDA CIRAAQ, ayaa ah mid wax badan ka tusaale bixineysa dadaalada xiligan ka socda Villa Soomaaliya ee lagula dagaalamayo maamulada xubnaha ka ah Federaalka oo illaa iyo hada galaaftay Hirshabeele iyo Galmudug.

Fahad ayaa faaladaas ku sheegay in Madaxweynaha Puntland ee xilka haya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas markii hore la rajeenayey inuu xiriir wanaagsan la yeesho Muqdisho, kadib xukunkii Faroole, balse arrintaasi lagu fashilay.

“…Mr. Abdulweli Ali Gaas, everyone expected that the level of relationship between Puntland and the federal government will change to the best, because Mr. “Gaas” took over The Prime Minister, during the days of the President of the Republic Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, but things have become more complicated, and announced, “Abdulweli Gaas” cut off relations with the federal government along the lines of his predecessor, and called for international mediation through serious negotiations with all files, especially issues related to the writing of the Constitution, Federalism, and the distribution of natural resources.

Fikirka Fahad ayaa ah in khilaafka Muqdisho iyo Puntland aysan xiriir la laheyn hogaamiyayaasha xilka ka qabta Puntland, balse ay salka ku heyso rabitaanka shacabka Puntland oo uu ku sheegay kuwo intooda badan doonaya in awood dheeraad ah ku yeeshaan Soomaaliya ama u dhaqaaqaan dhinaca gooni u goosadka.

Qormadaasi ayuu Fahad si weyn ugu weeraray awoodaha Puntland u madax banaantahay, isagoona ku tilmaamay ummada reer Puntland kuwa sida Kurdida Ciraaq doonaya inay mustaqbalka goostaan!

Wuxuuna yiri:

“ The successive governments of power in Mogadishu have been unable to sustain the region’s continuing tendency towards secession…”

Dowladihii (Kumeelgaarka ahaa) ee soomaray Muqdisho waxay illaa iyo hada ku guuleysan waayeen inay gacanta ku dhigaan siyaasada u jan-jeerta gooni u goosadka ee deegaankaas (Puntland)!

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyey shacabka Puntland iyo hogaamiyayashooda inay mar walba doonayaa in xaquuq gaar ah lasiiyo, isagoo falanqeyntiisa kusoo qaatay talooyin uu u jeedinayey dowlada Federaalka inay ku dhaqaaqdo si loo xakameeyo Puntland.

Taladii horey loogu khasaaray ee Fahad
Talooyinkiisa ayaa waxaa kamid ahaa in Dowlada Federaalka ay isticmaasho lacagta iyo dhaqaalaha ay diyaarka ulla yihiin dalalka Carabta ee saaxiibada la ah (Qatar) si wax looga qabto Puntland, iyadoo loo adeegsanayo xubnaha kasoo jeeda Puntland ee xilalka ka haya Federaalka Soomaaliya. Taasina go’adoon gelin doonto Puntland oo lagu cadaadin doono inay iyada isku mashquusho, waa siduu qoraalka u dhigayee.

The financial support federal government receives from some Arab, Islamic and friendly countries The leadership in Puntland will agree with the federal government and open a new page with it.

If it is delayed, as the political, security and economic conditions of the federal government improve, Puntland will be isolated from the rest of the country. It may lose some of its political leaves and remain preoccupied with itself.

Qoraalada Fahad ayaa sawir wanaagsan kaasiinaya qaabka ay u fekeraan xubnaha Damuljadiid ee uu Madaxweyne Farmaajo ka dhaxlay Madaxweynihii ka horeeyey, kuwaasi oo xasaasiyada ka qaba nidaamka Federaalka iyo gaar ahaan Dowlada Puntland & shacabkeeda.

Su’aasha ayaa ah Madaxweyne Farmaajo ma ku guuleysan doonaa siyaasadii horey loogu soo fashilay ee wakhtiga looga dhumiyey Madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Xassan Shiikh Maxamuud?

Qormada danbe ayaan uga hadli doonaa haduu eebo idmo fursadahii laga faa’iideysan waayey ee uu heystay Madaxweyne Farmaajo iyo khatarta ku hareeraysan xukunkiisa xiligan.

[Halkan ka akhriso Maqaalkii Fahad Yassin ku qoray Aljazeera dhamaadkii 2014, qoraalkaasi oo uu Puntland ku tilmaamay Kurdida Soomaaliya! —Af-carabi—]


Xigasho: Horseed Media

About The Author