Dhagayso: Shariif Xasan oo ku eedeeyey madaxda DFS inay baabi’inayaan Federaalismka & maamul Gobeleedyada

05 okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka digay qorshe ay wadaan madaxweynaha DFS, Raysul wasaaraha, Fahad Yasin iyo Taabit oo ah in la bur-buriyo nidaamka Federaalka ee Soomaaliya looga heshiiyey.

31g

Shariif Xasan oo shalay dhanka Nairobi kaga soo noqday Baydhabo ayaa sheegay in hadii uu bur-buro nidaamka Federaalka ay Dowlada Somaaaliya iyana bur-bureyso.

Shariif Xasan ayaa yiri “Reer Koofur Galbeed Federaal ayaa tihiin, Soomaaliya Federaal ayay qaadatay, waxaa la rabaa inaan labo gacmood ku qabsatiin, dad ayaa ku fikiraya in Federaalka la baabi’iyo maamulada la dumiyo”

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay iney koofur Galbeed ku dhagnaan doonto nidaamka Federaalka ayna ka hortagi doonaan shaqsiyaadka wada qorshaha Ka dhanka ah hanaanka Federaalka.

Dhagayso Shariif Xasan


Puntlandes.com

About The Author