Shirkii dib u eegista Dastuurka oo dib loo dhigay

07 Okt 2017 (Puntlandes) Shirweynahii dib u eegista Dastuurka oo lagu waday in maalinta berri ah uu furmo Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid.

daah-furka

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in shirka dib ugu dhacay arrimo farsamo iyo lojistik.

Shirkan ayaa qorshihiisa ahaa inuu socdo labo cisho oo ka bilaabata 8-10 October, iyadoo Muqdisho ay soo gaareen Ururada bulshada rayidka iyo dad ka yimid qurbaha oo lagu casuumay.

Dawlad Goboleedyada dalka iyo Guddiga dib u eegidda Dastuurka ayaa qaadacay inay ka qeyb galaan shirkaan.

Inkastoo aysan Dawladu sheegin sababta uu u baaqday iyo goorta uu furmi doono, ayey hadana tahay talaabadii u fiicnayd oo ay qaado DFS maadama ay shirka qaadaceen dawlad goboleedyada dalka oo uu iminka khilaaf xoogan ka dhaxeeyo DFS.

Puntlandes.com

About The Author