Daawo Video: Guddiyada Dastuur ee Baarlamaanka & kan Madaxabannaan oo qaadacay Shirka DFS ee dib eegista Dastuurka

07 Okt 2017 (Puntlandes) Shir jaraa’id oo maanta ay Muqdisho ku qabteen guddiga madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dastuurka ee baarlamaanka 10aad ayey ku sheegeen in ay qaadaceen ka qeyb galka shirka dib u eegista dastuurka berri oo axad ah lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho.

32b
Guddoomiyaha guddiga dastuurka ee baarlamaanka 10aad Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in labada guddi ee kala ah: guddiga madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dastuurka ee baarlamaanka 10aad aaney berri ka qeyb-geli-doonin shirka dastuurka ee Muqdisho.

Shirkan oo 2 maalin socon lahaa ayaa sidoo kale waxaa qaadacay maamul goboleedyada dalka ka jira, taasi oo dhaawici doonta qabsoomidda shirka.

Dhammaan Dawlad Goboleedyada iyo Guddiyada Dastuurka ayaa qaadacay shirkaan, waxayna ku doodayaan in shirkan ay wadato wasaaradda dastuurka, isla markaana aan laga talo gelin dadka iyo hey’adaha ay khuseyso.

Dhanka kale, Ilo ku dhaw wasaaradda dastuurka ayaa sheegaya in shirka uu dhici-doono, isla markaana ay ka soo qeyb-gali-doonaan madaxda dowladda, bulshada rayidka ah iyo hey’ado kale oo lagu casuumay

Daawo muuqaal

Puntlandes.com

About The Author