Xaaf oo sheegay inuu Inqilaad ka badbaaday ayna DFS usoo adeegsatay Milateriga &Nabadsugida inay soo qabtaan

09 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay ka hadlayay shirka wadatashiga ee Maamul goboleedyada uga furmay magaalada Kismayo ayaa sheegay inuu ka badbaaday inqilaab dhicisoobay, oo lagu doonayey in lagu afgambiyo.

29d4

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in loo adeegsaday ciidamada Milateriga iyo Nabadsugida inay soo qabtaan, balse uu ka badbaaday.

Xaaf ayaa yiri “Ciidamada Milateriga iyo Nabadsugida ayaa la isoo adeegsaday inay isoo qabtaan, laakiin waa ka badbaaday inqilaab dhicisoobay ayuu ahaa, waana nasiib darro”

Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamuladii la dhisay in la dumiyo, isla markaana la carqaladeeyo, isagoo ku baaqay in wixii dan u ah shacabka laga shaqeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Xaaf ayaa ugu baaqay DFS inay ka shaqeyso xasiloonida siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaadato oo aysan ku mashquulin arrimo kale.

Shirka Kismaayo uga socday madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed.

Puntlandes.com

About The Author