Dhagayso: Wasiirkii Hore ee Gaashaandhigga Diini oo ka hadlay cakirnaanta Siyaasadeed ee dalka ka jirta

10 Okt 2017 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo waraysi siiyey VOA ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya inay si wadajir ah u shaqeeyaan iyo in la deddejiyo dhammaystirka dastuurka, si ayuu yiri ay u yaraadaan is-qab-qabsiga mas’uuliyiinta.

32b8

Diini ayaa ka hadlay cakirnaanta Siyaasadeed ee ka dhex jirta Dawlad Goboleedyada iyo madaxda DFS, wuxuuna sheegay in mar kasta ay haboon tahay in danta dalka wax walba laga hormariyo meelna la iska dhigo anigu halkaas ayaan jeclahay iyadoo loo baahan yahay Talo wadareed la iskuna samro.

Mudane Diini ayaa sheegay in mugdiga u muuqda shacabka Soomaaliyeed waxaan rajaynaynaa madaxda Soomaaliyeed Gobol ama Dawala dhexeba inay muujiyaan wadajir ayna tusaan amaanada ay ummadda u hayaan inay wadajir ku hogaaminayaan.

Diini waxa kale oo uu adkeeyey Qiimaha wadajirka wuxuuna yiri “haddii aan si wadar ah loo wajihin arintaas waxaa halkaas ka muuqanaysa in la dayacay waajibaadkii guud ee laga sugayey oo ahayd in dalka nabadgalyo lagu hago”

 
Dhagayso waraysiga Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini


Puntlandes.com

About The Author