Guddigii loo saaray baaritaanka kiiskii Qalbi-Dhagax oo maanta ay tahay inay warbixin u gudbiyaan Gudoomiyaha

10 Okt 2017 (Puntlandes) Guddigii loo xil saaray kiiskii Cabdikariin Qalbi-Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF oo bishii Augusto ay DFS u gacan gelisay Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in warbixin ku aadan baaritaankooda u gudbiyaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.

32b9

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ”Cali Xoosh”

Guddigan oo la magacaabay 18-kii bishii September ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana Guddoomiye u ah Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ”Cali Xoosh”.

Guddiga Cali Xoosh ayaa waxaa loo xil saaray inay baaritaan ku soo sameeyaan kiiskaas iyo go’aankii ay Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishii September, kaasoo shacabka Soomaaliyeed ka caraysiiyey.

Warbixinta Guddigan ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah, taariikhduna tahay 10 October u gudbiyaan Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka, waxaana la filayaa in warbixintaas in la horkeeno Xildhibaanada golaha shacabka, si ay go’aan uga gaaraan, ugu dambeyn cod u qaadaan.

Kulamada guddigan ay yeelanayeen mudadii ay baaritaanka wadeen ayaa ahaa mid aan waxba lagala socon, isla markaana saxaafada ka war heyn waxaana garwadeen looga dhigay ama hogaankiisa loo dhiibay Xildhibaan Cali Xoosh oo aad ugu dhow xafiiska Raysulwasaaraha DFS mudane Xasan Cali Khayre iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yasin.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa horay ugu dalbaday Guddigan in kama dambeyn ay warbixintooda baaritaanka u soo gudbiyaan Xafiiska Guddoonka 10-ka bisha October oo maanta ku beegan.

Dad badan ayaa isha ku haya warbixintan iyo sida ay noqon doono, waxaana Kiiskii Qalbi-Dhagax uu ahaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lugaha la gasho, kaasoo la rumeysan yahay in taageero badan ku lumiyeen.

Puntlandes.com

About The Author