Akhriso War murtiyeedka Shirka Kismayo & Gole ay ku mideysan maamul goboleedyada oo la dhisay

11 Okt 2017 (Puntlandes) War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa laga soo saaray shirka Wadatashiga ee Kismayo ugu socday Madaxda Dowladda Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

2

War murtiyeedka ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Khilaafka siyaasadeed, xaalada Galmudug iyo Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

Shirka ayaa lagu dhisay Gole ay ku mideysan yihiin Dawlad Goboleedyada oo loogu magac daray Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, waxaa Guddoomiye iyo kuxigeen loo doortay sanadka koowaad Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

War murtiyeedka ayaa waxaa kale oo lagu sheegay inay yeelan doonaan Golahaan cusubi shirar kale oo ka dhici doona xarumaha Dowlad Goboleedyada dalka.

Akhriso War murtiyeedka
32c

32c1

32c1a
Puntlandes.com

About The Author