DFS oo lagu leeyahay mushaaraad dhowr bilood ah oo aysan bixin

11 Okt 2017 (Puntlandes) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu leeyahay mushaarka dhowr bilood oo aysan bixin, kaasoo ka wada maqan dhamaan qaybaha kala duwan.

31e7

Mushaaraadka ka maqan shaqaalaha rayidka ee dowladda, Ciidamada iyo Xildhibaanada ayaa ah mid kala heerar ah oo kala ha sidatan:

  • Shaqaalaha rayidka ka maqan mushaarka labo bilood oo ay socoto bishii saddeaxaad.
  • Ciidamada Milateriga waxaa ka maqan mushaarka saddex bilood oo ay socot bishii afaraad.
  • Xildhibaanada  Baarlamaanka Federaalka waxaa ka maqan mushaarka labo bilood, Xildhibaanadii baarlamaankii 9aad ayaa waxaa ka maqan mushaarka illaa lix bilood ah oo sanadkii hore ah.

Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay inay ku guuleysatay inay bixiso mushaarka shaqaalaha dowladda, laakiin waxaa muuqata in labadii bilood ee la soo dhaafay ay ku adkaatay, taasoo loo sababeynayo xaalado kala duwan oo is biirsaday.

Qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay niyadooda ay wanaagsaneyd, markii bil walba si joogto ah loo bixiyay mushaaraadka, hase ahaatee labadii bil ee la soo dhaafay ay xaalada ku xumaatay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in dowladda Sacuudiga ay ugu deeqday lacag gaareysa illaa 50 milyan oo dollar, isla markaana lacagahaas ku bixin doonto mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada taasoo ah mid aan wali fulin.

Puntlandes.com

About The Author