Sawirro: Shirkii Wada Tashiga Ee Dawladdaha Xubnaha ka ah DFS Ee Kismayo Ka Socdey oo Soo Gebogeboobey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynayaasha shirka Kismaayo kuwehelinaayey ayaa maanta 11 October 2017 kasoo saaray shirkaasi War-murtiyeed, kadib muddo afar cisho ah oo uu shirkaasi socdey.

Madaxweyanaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkaasi loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dawladdaha Xubnaha Ka ah DFS  halka Ku-xigeen loo doortay Madaxweyanaha Hir-shabeelle Mudane. Maxamed Cabdi Waare masuuliyiintaasi oo hayndoona xilkaasi halka sano ee ugu horaysa.

Madaxweynaha Puntland oo  xidhitaanka shirka Kismaayo ka jeediyey hadal dhaxalgal ah ayaa sheegay in shirkani ku qotomey masiirka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in loo baahan yahay in dawladda Fadaraalku fahanto awoodda iyo masuuliyadda-saaran.

“Waxaa larabaa dawladda Fadaraalka ah inay fahanto awoodda ay leeyihiin iyo masuuliyadda saaran dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya, magaalada Xamar markaad koonfur ka aaddo oo Jasiira gaadho dabcan waxaad gelaysaa dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, markaad dhanka waqooyi aadona waxaad gelaysaa Hir-shabeelle taa waxaa kaaga muuqata marka in baaxadda dhuleed iyo masuuliyadda saaran maamul goboleedyadu inay tahay 90% wax kabadan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland

” Sidaadaraadeed masuuliyaddaa nasaaran waxay nafaraysaa inaan isu nimaadno, inaanu tashano in aanu ka wada hadalo sidii masuuliyaddaa ee xajmiga iyo baaxadda intaa tiro le’g leh aanu u fullin lahayn oo aanu uga hawl geli lahayn weeye waxa shirkani laysugu yimi” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in War-murtiyeedka kasoo baxay shirkani uu yahay mid ka turjumaya fikirka iyo aragtida mawqifka, masuuliyadda iyo masiirka ummadda Soomaliyeed ka saaran Madaxdooda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay inuu rajaynaayo in War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Kismaayo uu haado mid ummadda Soomaaliyeed ka farxiya, muujiya masuuliyad, muujiya ka damqasho laga damqanayo xaaladda dalku kusugan yahay, waxaana uu shacabka iyo maamulka Jubbaland uga mahadnaqay marti qaadka shirkaasi qaran ee lagaga arrinsanayey xaaladda Soomaaliya.

32c1b

32c1c

32c1e

                    

Puntlandes.com

About The Author