Dhagayso: Madaxweyne Gaas “Mas’uuliyadda dalka 90% waxaa ka mas’uul ah dawlad Goboleedyada”

11 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo waraysi siiyey VOA ayaa ka hadlay shirka Kismaayo iyo khilaafka kala dhexeeya dawlada Fadaraalka.

82

Dr Gaas ayaa sheegay in muddo laga fikirayay in la sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin, isagoo xusay in qorshaha uu markii hore ahaa in la dhiso Madasha Qurac Forum, laakiin ay arrimihii doorashooyinka kasoo dhex galeen.

Madaxweyne Dr Gaas ayaa yiri “Barnaamijkaas wuxuu ahaa mid aan muddo ka fikireyn in la sameeyo madal ay wadaagaan dowlad goboleedyada, labo sano ka hor ayaa ka fikireysan, laakiin arrimihii doorashooyinka ayaa na soo dhex galeen, in la isu yimaado, la wada hadlo wixii caqabado jira la falanqeeyo in go’aamada ku haboon la soo saaro ayuu ujeedku ahaa”

Mar la weydiiyay khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka iyo waxa ay isku hayaan ayuu sheegay in labada arrimood ay yihiin mida Mas’uuliyadda iyo awood qeybsiga.

Dr Gaadäs ayaa sheegay in dowladda Federaalka dalka oo dhan aanay Mas’uuliyadeeda hayn, balse dowlad goboleedyada ay 90% mas’uuliyadda gacanta ku hayaan.

Dr Gaas ayaa yiri “Mas’uuliyadda dalka oo dhan xamar kuma koobna, 90% dowlad goboleedyada ayay mas’uuliyada saaran tahay, marka aad Xamar ka baxdo oo dhanka Balcad aado, marka la gaaro Hiilweyne, Hirshabelle ayaa ka mas’uul ah, markaa aado dhanka Jaziira Koofur Galbeed ayaa la galayaaay”

Dhagayso waraysiga madaxweyne Dr Gaas

 


Puntlandes.com

About The Author