Ra’iisul Wasaare Khayre oo difaacay Xukuumadiisa shacabkana u sheegay inay ka hor yimaadaan madaxada Dawlad Goboleedyada

12 Okt 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre ayaa si kulul uga hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalka marayo iyo dhaliilaha ay madaxda Dawlad Goboleedyadu u jeediyeen Xukuumaddiisa, isagoo ugu baaqay shacabka in aysan ogolaan dhaliilahaas.

31e7

Khudbad uu xalay ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka Soomaaliyeed oo ka dhacday Garoonka Kubadda Koleyga Wiish Stadium ee degmada C/casiis ayuu sheegay in umadda Soomaaliyeed uu u soo baxay Iftiin.

Khayre ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in aan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminay, dhaliil ujeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano qaas ah in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hada u soo if baxay”

Isagoo aanan cidna carabaabin ayuu sheegay inay dhamaatay waqtigii ay madaxda niyad jabi jiraan ama in buuq siyaasadeed inta furmo ay Madaxda albaabada soo xiran jireen.

Khayre ayaa yiri “dadka Soomaaliyeed haddii aad horey u arki jirteen in la niyad jabo, wey dhammaatay waqtigii la niyad jabi jirey …. In markii is-jiid-jiid yimaado, madaxdu inay niyad jabaan …. Madaxda idin hortaagan ma aha kuwaas … hadday jirto qof Soomaaliyeed oo ka welwelsan, maaalmaa la qeylinaayaa ama buuq siyaasadeed baa la abuuraa sidaas daraadeed madaxdu qolalkeedey ku laabaneysaa, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan idin la mari doono oo ilaa meesha ugu danbeysa aan idinla tagi doono ….”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, isla markaana aysan gadaal u noqon doonin, wuxuuna yiri mar uu ka hadlayey “Soomaaliya horay ayay u socotaa, gadaal uma noqoneysa, Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah anaga ujeedna oo idin soo aragnay dhulka barwaaqada aan u socono”

Isku soo duuboo khudbadii xalay uu jeediyey Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ah mid aan xaqiiqda jirta ka tarjumayn waxayna ku tahay ceeb Ra’iisul Wasaaraha inuu isaga iyo Fahad yasin isu sheegaan shacabka ayaa idinka qaadan kara wax aan jirin oo lasoo dhoodhoobay sidii Shuuciyaddii oo kale.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wajaheysa dhaliilo iyo culeysyo siyaasadeed oo uga imaanaya siyaasiyiin iyo Dawlad Goboleedyada, iyadoo shirkii Madaxda Dawlad Goboleedyada ee shalay lagu soo gaba gabeeyay Kismayo farriimo adag loogu diray qaabka Xukuumadda u maareyneyso xaaladaha siyaasadeed ee dalka ayna samaysteen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Puntlandes.com

About The Author