Sawirro: Shir ka dhan ah Madaxweynaha KGS oo ay soo abaabuleen Khayre & Fahad Yasin ka dhacay Muqdisho

12 Okt 2017 (Puntlandes) waxaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho shir balaaran oo ay soo abaabuleen RW Khayre iyo Fahad Yasin kaasoo la doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha KGS Shariif Xasan.

Kullanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka,bulshada rayidka, haweenka iyo dhalliyarada ka soo jeeda gobollada Koofur Galbeed, xildhibaanada ayaa waxay ka warrameen siyaasada guud ee Madaxweyne Shariif intii uu xilka hayay, iyo sida ay u doonayaan inay xilka ka xayuubiyaan.

Xildhibaan Cali Xasan Cusmaan oo ka mid ah mudanayaasha KG ayaa aad uga hadlay dhamaan qodabada dastuurka ah ee uu jebiyay Mudane Shariif Xasan, sheegayna inaanay u dulqaadan Karin intaan ka dib, ayna diyaar u yihiin inay xilka ka qaadaan Sh. Xasan isagoo sheegay in ay 94 xildhibaan ku saxiixeen mooshin la xisaabtan ah oo la horgaynayo baarlamaanka KG 17ka bishan.

Xildhibaan Amiin ayaa sheegay in mudane shariif xafiiskiisu yahay diyaarad dusheeda uuna dan ka lahayn bulshada uu hogaamiyo sidaa darteena la gaaray xiliigii uu bixi lahaa.

Ugu danbayn Xildhibaan Abdifataax Geeseey oo ah ninka uu Fahad Yasiin dhaqaalaha faraha badan oo lagu ridayo madaxweyne Shariif u dhiibay kana tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa aad uga hadlay sidii Shariif Xasan xukunka looga tuuri lahaa.

Hoos ka akhriso war murtiyeed ay soo saareen
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11
Puntlandes.com

About The Author