Taliyihii CXD oo is casilay & Taliye cusub oo la magacaabay

12 Okt 2017 (Puntlandes) Taliyihii Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) ayaa is casilay  iyadoo Golaha Wasiirada DFS ay magacaabeen Taliye cusub.

tttt

Wararka ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ay u magacaabeen Jen Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod xilka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaa ahaa Col. Pilot ah, xilligii dowladdii Siyaad Barre, sidoo kale waxaa uu Wasiirka Dekedaha ka noqday dowladdii TNG-da ee uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan

Wararka ayaa intaa ku daraya in muddooyinkan la hadal hayay is casilaada Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Cirfiid oo xilkan loo magacaabay bishii April ee sanadkan.

Waxaa loo sababaynayaa is casilaada Taliyihii hore wada shaqayn la’aan uu kala kulmay xafiuska Raysul wasaaraha.

Puntlandes.com

About The Author