Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

12 Okt 2017 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda RW Khayre Cabdirashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Gaashaandhigga

Shirka Golaha Wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa laga sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga uu is casilay.

Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku soo aadaysa wax ka dib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ay isu casileen Wasiirka iyo Taliyaha, laakiin warar soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya wadashaqayn la’aan kaga timid xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Puntlandes.com

About The Author