Dhagayso: Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in si deg deg loogu gurmado dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe

15 oktoober 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ka hadlay qaraxii shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasoo dad fara badan ay ku dhamaadeen.

32f2

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku tilmaamay qaraxan inuu ahaa mid argagixiso oo muujinaya naxariis la’aanta Kooxaha nabad diidka, isagoo xusay in dhamaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab aan waxba galabsan.

Waxaa uu sheegay uu ku baaqay in loo gurmado dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, isagoo dadka Soomaaliyeed si gaar ah uga qeyb qaataan gurmadka dadka u baahan kaalmada.

Dhagayso Ra’iisul wasaaraha


Puntlandes.com

About The Author