Daawo Video: Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda Waddooyinka Puntland Highway Authority (PHA) oo xilka la wareegay

15 oktoober 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda Waddooyinka Puntland Highway Authority (PHA) Eng.Cabdirisaaq Yusuuf Cilmi oo 7-dii bishaan October 2017 Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Gaas soo magacaabay ayaa 13 October 2017 si rasmi ah xilka ugala wareegay Siciid Maxamuud Jaamac oo si kumeel gaar ah xafiiska u joogay tan iyo markii xilka laga qaaday Guddoomiyihi hore Hay’adda Waddooyinka Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan 3-dii March 2017.

32f5

Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland ee magaalada Garoowe oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gadiidka,Guddiga sare ee Hay’adda PHA,Xubno ka socday hay’adaha taageera PHA iyo marti sharaf kale ayuu xilka maanta kula wareegay Gudoomiye Eng Cabdirasaaq Yuusuf Cilmi.

Siciid Maxamuud Jaamac oo xilka ku wareejiyay ayaa sheegay inuu wax badan qabtey muddo kooban oo uu xilka sii hayay, gaar ahaana hawlihii socday ay ku guulaysteen inay fuliyaan dhamaystirkooda,Isagoona ku booriyay Gudoomiyaha cusub wixii ka harsan inuu fuliyo.

Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda PHA Eng.Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi oo hadal kooban Munaasabbada ka jeediyey ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono dhammaystirka hawlaha qabyada ka ahaa madaxdii ka horreysay,wuxuuna codsaday in lagu caawiyo siduu ugu guulaysan lahaa shaqada adag ee hortaalla.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Barkhad oo munaasabadda soo xiray ayaa ammaanay Guddoomiyaha cusub ee maanta xilka la wareegay,wuxuuna ku tilmaamay shakhsi ku habboon xilka loo dhiibay,Isagoona kula dardaarmay inuu dhabar-adayg kaga gudbo caqabadaha uga imaan kara shaqada.

Daawo muuqaal xilwareejintii

Puntlandes.com

About The Author