Dhagayso: Wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha Qaraxii Zoobe

15 oktoober 2017 (Puntlandes)Waxaa wali socda gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe, iyadoo wali dhismayaasha bur buray laga baadigoobayo dad ku hoos jira.

1aa

Wali waxaa socda soo saaridda Meydadka laga soo saarayo dhismayaasha burburay, waxaana qaarkood la sheegay in la kala garan waayay.

Ilaa hada lama xaqiin karo tirada ku dhimatay ama ku dhawaacantay weerarkaas waxashnimada ahaa ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan, waxaa meel kasta la is xasuusinayaa in loo gurmado dadkii ku waxyeeloobay.

Dhagayso warbixin ay ka diyaarisay BBC


Puntlandes.com

About The Author