Hay’addaha Amniga Puntland oo baaritaan ku haya Siyaasiyiin reer PL ah oo Muqdisho ku sugan & Shaqsiyaad PL jooga oo la

15 oktoober 2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Hay,addaha Amniga Dowlada Puntland ay wadaan qorshe maxkamadda looga codsanayo in baaritaan lagu sameyn karo akoonada ay Bangiyadda ku leeyihiin Siyaasiyiin jooga Muqdisho oo u dhashay Puntland, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin abaabul kacdoon oo lagu kicinayo shacabka reer Puntland kana dhan ah dawladda Puntland.

32f7

Qaar ka mid ah Saraakiil Hay,adda PIA ayaa laga soo xigtay inay jiraan shakiyo ku qotoma shaqsiyaad u dhashay Puntland oo maleegaya qorshayaal lagu majaxaabinayo dawladda Puntland, shacabkana looga hor keenayo.

Baaritaanka oo hadda gabagabo ku dhaw sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes ayaa saameyn ku yeelan doona dadka lagu tuhunsan yahay, hantidooda maguurtada ah, sheerar ay ku leeyihiin shirkaddaha iyo Aqoonsiga dhalashada Dowladaha hoose ee Muwaadinimada,haddii falkani ku cadaado iyo waliba in laga mamnuuco inay Puntland cag soo dhigaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in daba galku kasoo bilowday baaritaano dhanka Telefonada ah oo lagu ogaaday xiriirka ay sameeyeen, Waxaana muuqata inaysan weli dhamaystirnayn tan iyo inta ay maxkamaddu ka ogolaanayso in baaritaan lagu sameyn karo Akoonadooda dadka laga shakisan yahay.

Shaqsiyaad jooga o baaritaan ku socdo

Dhanka kale waxaa iyana baaritaan gabogabo ku dhow ay Hay’addaha Amniga Puntland ku hayaan shaqsiyaad iyana jooga Puntland oo la shaqaynaya shaqsiyaadka Muqdisho, iyagoo kala shaqaynaya abuuridda khalkhal iyo kicinta shacabka reer Puntland.

Baaritaanlka ay Hay’addaha Amniga Puntland ku hayaan shaqsiyaad Muqdishu iyo kuwa la shaqaynaya ee jooga Puntland ayaa la rumaysan yahay inay daba socoto khilaafka ka dhexjira maamulladda dalka iyo madaxda Dowlada Federalka Somalia.

Puntlandes.com

About The Author