Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay Khasaaraha Qaraxii Isgoyska Zoobe

16 oktoober 2017 (Puntlandes) DFS ayaa war ka soo saartay khasaarihii ka dhashay qaraxii 14ka okt ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe ee KM5.

1aa

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu xaqiijiyay in 276 ruux ay ku geeriyoodeen qaraxii shalay, halka 300 oo ruux ay ku dhaawacmeen.

“Weli waxaa lagu guda jiraa gurmad qaran oo wixii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteen halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

DFS ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go’ laheyn.

Madaxda DFS ayaa u diray codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa diyaarad qaas ah oo dhaawaca lagu qaado. Sidoo kale dawladda Turkiga ayaa soo direysa takhaatiir iyo wafdi heer sare ah oo u imaanaya inay xaalada qiimeeyaan isla markaasna u gurmadaan dhaawacyada. Sidoo kale wadamada deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa iyagana diyaar u ah inay gurmad takhaatiir iyo daawooyin ah soo diraan.

Puntlandes.com

About The Author