Qatar oo sheegtay in Soomaaliya laga aargoosanayo

16 oktoober 2017 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ugu yeerray dowladdaha xiriirka u jaray Qatar.

32f8

Wasiirka oo wareysi dhinacyo badan siiyay Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay dalka Qatar ayuu ku sheegay Soomaaliya in ay ka aargoosanayaan dowladaha Qatar go’doomiyay sababo ku aaddan in ay ka biyo diidday inay u dheg raariciso go’aankooda qaadacaadda ah.

Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in dowladahaasi ay wada laalleen kaalmooyinkii aaddannimo ee ay ugu yabooheen Soomaaliya, isagoo xusay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida la wada laaluushay, waxaase uu qiray in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay weli ku adkaysanayso mowqifkeeda.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya laba cisho kadib markii Muqdisho ay ruxeen qaraxii ugu khasaaraha badnaa oo loo adeegsaday gaari xamuul ah uu ka dhacay Isgoyska Zope, KM5 , Degmada Wadajir ee Muqdisho, kaasi oo sababay geerida 276 ruux sida ay xaqiijisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka qarax ee Zope oo lagu sheegay kii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhaca abid, si la mid ah kii ugu dhiigga badnaa ee dunida ka dhaca sanadkan 2017.

Xigasho Waraysiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar

http://www.al-sharq.com/news/details/518524

About The Author