BREAKING NEWS: Dawaladda Puntland oo gurmad deg deg ah u diraysa Muqdisho

16 oktoober 2017 (Puntlandes) Dawaladda Puntland ayaa gurmad deg deg ah u daraysa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.Calanka-Puntland

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in madaxweyanaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed cali Gaas uu amray in Puntland u gurmato walaalahooda ay dhibaatada lixaadka leh kasoo gaartay Qaraxii arxan darrada ahaa ee  gilgilay Caasimadda Soomaaliya sabtidii lasoo dhaafay ee ay bisha Oktioober ahayd 14ka, kaasoo dhaliyey khaarihii ugu badnaa ee dhimasho iyo dhaawac ee abid soo mara Soomaaliya.

 

Dawladda Puntland ayaa lagu wadaa in  maalinta arbacada oo ay bishu tahay 18ka u dirto Muqdisho gurmad isugu jira Dhakhaatiir, Kalkaaliyaal Caafimaad iyo daawo, si ay uga qayb qaataan caawinta walaalaha Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee   wax yeeladu ka soo gaartay qaraxii muqdisho ka Dhacay.

 

Qaraxan ayaa loo tiirinayaa inay ka danbeeyeen ma diirnaxayaasha Al-shabaab, inkasta oo aysan iyagu sheegan, hadana waxaa caado u ah marka ay maato badan gumaadaan inaysan sheegan taas oo ay uga golleeyihiin inaan shacabku ku kicin.

 

Dhacdooyinka waawayn ee ay ka aamuseen waxaa ka mid ahaa tii Hotel Shaamoow ee 3dii dec 2009kii oo ay ku xasuuqeen arday iyo dhakhaatiir kasoo qayb galay xaflad qalin jabin ah

 

Puntlandes.com

About The Author