MADAXWEYNE DR GAAS OO KU DHAWAAQAY GURMAD AY DAWLADDA PUNTLAND U DIRAYSO MUQDISHO

17 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Saxaafadda la hadlay goir dhawayd ayaa yeeshagay in Diyaarad sida Daawo iyo Dhakhaatiir gurmad ah la qorsheeyey in loo diro Muqdisho ,si ay qeyb uga noqdaan gurmadka Qaran.

FB_IMG_1508228467243

Guddi ka kooban Wasiirada dawladda Puntland ayaa sidoo kale lagu magacaabay Shir deg deg ah oo xubnaha Golaha xukuumaddu ku yeesheen Madaxtooyada Bosaso, si ay qeyb uga noqdaan gurmadka loo fidinayo shacabkii waxyeelada xoogan ay ka soo gaartay Qaraxii Muqdisho ka dhacay sabtidii ay Oktober ahayd 14ka.

Warbaahinta Puntlandes ayaa xalay daabacday in dawladda Puntland ay qorshaynayso inay gurmad deg deg ah u dirto Muqdisho hoos ka akhriso:

BREAKING NEWS: Dawaladda Puntland oo gurmad deg deg ah u diraysa Muqdisho

Puntlandes.com

About The Author