Wax ka ogow kullan xalay ka dhacay Villa Somalia & shaqsiyaadka ka qayb galay!!!

17 oktoober 2017 (Puntlandes) Kulan xalay ka dhacay Villa Somalia ayaa waxaa la isugu yeeray ku dhowaad 20 ruux oo u badnaa taageerayaasha Dawlada iyo dad kaloo tiro yar oo culimo iyo odayaal isugu jira, iyadoo looga hadlay sida ugu haboon oo ay Dawlada uga falcelin lahayd xasuuqii Muqdisho ka dhacay maalintii Sabtiga ah.

31c

Kulanka oo uu gudoominayey Fahad Yaasiin ayaa rag waxgarad ah soo jeediyeen in fursadan looga faa’iidaysto baadi goob midnimo iyo isku soo dhowaynta Dawlada, Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Maamulada Goboladda si ay u fududaato abaabulka Shacabka iyo la dagalaank Alshabaab.

Laakiin Taageerayaal ay ka mid yihiin Awliyo, Cali Daacuun, Xildhibaan, C/laahi Taleefan, Maxamad Xaaji Ingiriis ayaa la yimid aragti taas khilaafsan iyagoo sheegay in ay waajib tahay in dagaal lagu qaado siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo madaxda Dawlad Goboleedyada.

Waxay sheegeen in masuuliyada musiibadii dhacday dusha loo saariyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo maamul Goboleedyada, iyo wax ay ugu yeereen dawladaha taageersan.

Fahad Yaasiin oo markii horeba taageerayaashan soo abaabulay ayaa durbadii taladaas aad usoo dhoweeyey, isagoo sheegay in ay adagtahay In dawladu shaqayso inta ay jiraan dad ka soo horjeeda, sidaas darteedna ay waajib tahay in la iska kaashado wuxuu ugu yeeray cadawga gudaha oo uu ka wado Siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo madaxda Dawlad Goboleedyada. Isagoo ku dooday in Alshabaab ay ka daran yihiin wax uu ugu yeeray dad Cadawga u shaqeeya.

Fahad Yaasiin oo isugu ah Madaxweynaha qarsoon ayaa laba ujeedo ka leh natiijada kulanka

  • In masuuliyada xasuuqii Sabtigii dhacday laga leexiyo madaxda dawlada oo uusan wax la xisaabtan ah dhicin. Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta arrinkan Dawlada kula xisaabtami lahaydna meel kale loo jeediyo.

 

  • Isagoo ka amba qaadaya hadalkii wasiirka Arrimaha Debeda ee Qatar ayuu Fahad Yaasiin doonayaa in eeda dusha laga saaro dawladaha ay Qatar is hayaan ee Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga. Wasiirka Arrimaha Debeda ee Qatar ayaa maanta sheegay in Qaraxii Sabtigii dhacay ay ka danbeeyeen dawlado ka aargudanaya Soomaaliya go’aankii ay Khilaafka Khaliijka ka qaadatay.

 

Waa wax lala yaabo ah in iyadoo masiibadii ka dhalatay xasuuqii Shacab weli taagan tahay, iyadoo aan maydkii weli la kala gurin, lana kala garan, iyadoo tacsidii iyo tiiraanyadii weli taalo, iyadoo aduunkii uu tacsi iyo gurmad inoo fidinayo, in Fahad, Kheyre iyo Farmaajo ay ku mashquulsan yihiin dagaalka Siyaasiyiinta iyo Dawlad Goboleedyada.

 

Waa kee cadawga ka wayn Alshabaab oo ay ummadda Soomaaliyeed leedahay oo maanta lala diririyo? maxaase isku soo aadiyey shirkan iyo waraysigii Wasiirka Qatar, halkan ka akhriso?

Puntlandes.com

About The Author