Baaritaanka Qaraxii Zope oo lugaha la galay Mid kamid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee Muqdisho!

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa baaritaanka lagu wado weerarkii boqolaalka shacabka ah lagu xasuuqay ee dhacay Sabtidii lasoo dhaafay, iyadoo hada la sheegayo inay jiraan dad loo xiray ku lug lahaanshaha weerarkaasi.

Dadka loo xiray falkan waxaa ugu muhiimsan nin kamid hawlwadeenada mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Muqdisho oo xaruntoodu ku taal Suuqa Bakaaraha.

Horseed Media oo ay u suurto gashay inay xiriir la sameyso mid kamid ah Saraakiisha sida dhaw ulla socda baaritaanka ayaa xaqiijiyey in dowlada ay heyso shaqsiga damiintay ama mas’uulka ka ahaa gaari loo adeegsaday weerarkii 1aad ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoope.

Xogta illa iyo hada la hayo

Sida uu sarkaalkan sheegayo Gaariga qarax loo adeegsaday oo ahaa mid nooca xamuulka ah ayaa ka yimid Ceelasha Biyaha, waxaana markii ugu horeysay lagu joojiyey isbaarada Ex kontroolka ee Muqdisho laga soo galo wadada ka timaada Afgooye.

Ninka naftiisa haligay ee gaarigaas waday ayaa markii la joojiyey ciidamada u sheegay in gaariga laga leeyahay shirkada (…..). Sarkaalka la hadlay Horseed Media ayaa codsaday in aan la shaacin magaca shirkada maadaama uu weli socdo baaritaanka.

Gaariga ayuu sheegay darawelka inuu damiin ka yahay hawlwadeenka shirkadaasi ka shaqeeya, gaarigan ayaa lasii daayey isagoo aan la baarin. Waxaa baaritaan ku socda tuhun jira oo ah in saraakiil ka tirsan dowlada ay amar kusiisay siideynta gaarigaasi oo gudaha usoo galay magaalada.

Isbaarada Banadir
Gaarigan ayaa mar labaad lagu joojiyey goobta ay ku sugan yihiin ciidamada xasilinta Muqdisho ee nawaaxiga Isbitaal Banaadir. Balse darawelka gaariga waday ayaa xoog ku jiiray isbaaradaasi, isagoo dusha kasii maray gaari Bajaaj ah oo ay ku dhinteen dadkii saarnaa.

Ciidamada ku sugnaa isgoyska Banaadir ayaa ka daba orday gaariga baxsadka ahaa.

Gaariga qarax geystay ayaa markii uu soo gaaray Isgoyska Zoope kusoo aaday xili goobtaasi gaadiidka isku xirnaayeen maadaama ay ahayd xili dad badan shaqada kasoo baxeen isla markaana goobtaasi buuq badan ka jiray.

Waxaana la rumeysan yahay inuu ninkii gaarigaasi waday isqarxiyey kahor inta aysan gacan ku dhigin ciidamadii ku dabo jiray ee uu kusoo jiiray isgoyska Banaadir.

Qaraxa Xoogiisa
Gaariga ku qarxay Isgoyska Zoope ayaa la xaqiijiyey inuu saarnaa waxyaabaha qarxa balse dusha sare ay ka muuqdeen, gaaska cuntada lagu kariyo iyo Fuustooyin la rumeysan yahay inuu ku jiray Baasiin.

Qaraxan ayaa waxaa sii laba jibaaray gaari siday Shidaal oo isaguna yaalay isgoyska Zoope xiliga weerarka dhacay, taasi oo keentay inuu qaraxa ka xoogbato kuwii horey uga dhici jiray magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawaca hada ah ayaa u badan kuwo ay soo gaareen dhaawacyada gubniinka ah iyo dabkii halkaasi ka dhashay.

Bartilmaameedka weerarka
Saraakiisha sirdoonka ayaa aaminsan in bartilmaameedka ama goobta loo waday qaraxan aysan ahayn isgoyska Zoope, balse ay aaminsan yihiin in weerarkaasi ku socday Aden Cade Airport ama Xarunta Xalane, marka loo eego wadada uu kusii socday.

Sarkaalkan oo aan weydiinay in Saldhiga Turkiga ee Muqdisho uu ahaa bartilmaameedka sida ay shaaciyeen qaar kamid ah warbaahinta ayuu ku jawaabay “…Waan arkay wararkaas balse maaha mid aan aniga shaqsiyan aaminsanahay sababtoo ah waxaa jiray wadooyin kale oo uu mari karay gaariga ka yimid Ceelasha Biyaha hadii uu u socdo Xerada Turkiga ama Saldhiga laga dhisay Jasiira…”

Gaari 2aad
Waxay sidoo kale la tuhunsan yahay in gaariga ku qarxay Isgoyska Zoope ee xasuuqa ba’an geystay uu wehliyey gaari kale oo bambaano lasoo saaray oo ahaa nooca Noha loo yaqaan.

Gaarigaasi ayaa la sheegay inuu isaguna ku qarxay laamiga Ceel Qalow ee degmada Wadajir saacad iyo bar kadib markii uu dhacay qaraxii Zoope.

Qorshaha Al Shabaab

Kooxda Al Shabaab ayaa la rumeysan yahay in labadaasi gaari ay u diyaarisay inay hal goob ku weeraraan. Qorshahooduna ahaa in marka hore gaariga Nohada ku qarxiyaan irida goobta ay damacsanaayeen inay weeraraan kadibna gaariga labaad oo ahaa kii weynaa ee ku qarxay isgoyska Zoope inuu halkaasi gudaha usii galo si loogu baabi’iyo dadka halkaasi ku sugnaa.

Kadib markii uu qorshahaasi fashilay oo uu dhacay qaraxii Zoope ayuu gaarigii kale ee Noha isagana lagu qarxiyey degmada Wadajir, waxaana xusid mudan in gaariga lagu qarxiyey Wadajir uu darawelkii waday uu wadada dhinaceeda dhigay.

Labada gaari ee qaraxay ayaa la sheegay in midna lagu soo diyaariyey Ceelasha Biyaha oo ah gaariga weyn, halka midka saarnaa gaariga yare ee Noha la tuhunsan yahay in lagu diyaariyey gudaha magaalada Muqdisho.

Baaritaanka socda iyo Dhaliilo jira
Baaritaanka hada socda ayaa ah mid xoogiisa ku wajahan shaqsiyaadka xiriirka lalahaa gaariga ku qarxay Zoope oo hada lahayo cida ka mas’uulka ahayd ama damiinta ka ahyad iyo shirkada uu shaqsigaasi ka shaqeeyo oo ah mid awooda badan kuleh magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la baarayaa cida bixisay amarka lagu siidaayey gaariga ku qarxay Zoope oo la baarayo inay ku jiraan saraakiil ama mas’uuliyiin dowlada ka tirsan.

Danbi Baarayaal Caalami ah
Dhinaca kale qaar kamid ah saraakiisha danbi baarista ayaa ku dhaliilay madaxda dowlada inaysan xooga saarin in baaritaankan laga qeyb geliyo Hay’adaha caalamiga ah ee khibrada dheer ulleh danbibaarista sida kuwii ka socday FBI-da Maraykanka ee ka qeyb qaatay baaritaankii Weerarkii diyaaradii Daallo.

Qaar kamid ah khubarada UNta ee ka caawiya dowlada dhanka baarista ayaa sidoo kale dhaliilay qaabkii loo maareeyey goobta qaraxa uu ka dhacay ee Isgoyska Zoope oo dadka shacabka ah lagu fasaxay iyadoo aan weli dhamaan baaritaanka socday.

Sidoo kale goobta qaraxa ka dhacay ayaa shalay laga sameeyey hawlo lagu nadiifinayo goobtaasi taasi oo raad tireysa xogtii laga ogaan lahaa gaariga qaraxay iyo qalabkii saarnaa sida qarxiyayaasha iyo aalada loo isticmaalay waxyaabaha qarxa ee gaarigaasi lagu soo raray.

Warbixin ay soo saareen khubaro caalami ah oo sanadkii hore baaritaan ku sameeyey aaladaha loo adeegsado qaraxyada Muqdisho iyo gudaha Soomaaliya ka dhaca ayaa lagu sheegay in sanadihii danbe Al Shabaab qaraxyda noocaan ah u adeegsaneysay hubka iyo saanada militari oo ay ka furtaan ciidamada nabad illaalinta Afrika ee Amisom taasi oo keentay in qaraxyadaasi ka xoog bataan kuwoodii hore.

Weerarkii ugu Weynaa
Weerarkii Sabtidii ayaa lagu tilmaamay weerarkii argagaxiso ee ugu weynaa ee ka dhaca Qaarada Afrika isla markaana ah midkii ugu weynaa ee caalamka ka dhaca muddo ka badan 10 sano.

Kooxda Al Shabaab ayaa iyadu ka aamustay inay sheegato weerarkan maadaama ay ku guuleysan weyday in qaraxan la beegsato goobtii ay la damacsanaayeen, isla markaana ay ka dhalatay kacdoon cusub oo shacab taasi oo keentay inay ka aamustay weerarkan ay soo abaabushay, sida ay sheegayaan saraakiisha dowlada.

Wixii xog ah oo arrintan kusoo kordha gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.


Xigasho: Horseed Media

About The Author