Sawirro: Madax ka tirsan DFS oo Muqdisho kusoo dhaweeyey Gurmadkii ay dawladda Puntland dirtay

18 Okt 2017 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa maanta gaarsiisay magaalada Muqdisho diyaarad sida gurmad daawo iyo dhakhaatiir saaka looga direy magaalada Garowe, waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho masuuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Saed (Juxa).

Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ayaa hogaaminay wafdiga la socda dawado gaaraysa 4 Tan iyo 10 qof oo isugu jira dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo xukuumadda Puntland u dirtay Muqdisho ayaa sheegay in tani qeyb ka ahayd Ballan qaad uu dhawaan sameeyay Madaxweyne Gaas.

Wasiir Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in kaalmadan ay tahay mid hordhac islamarkaana ay jiri doonaan kaalmooyin lacageed oo dowladda iyo shacabka Puntland kaga qayb qaadanayaan dhibaatadii Zoobe.

Saraakiisha dowladda Puntland ayaa sheegay inay ka xunyihiin masiibadii ka dhacday Zoobe iyagoo tacsi u diray umadda Soomaaliyeed islamarkaana qaraxaas ku sifeeyay mid waxashnimo ahaa oo lagu dhibaateeyay maato aan waxba galabsan.

Deeqda Puntland ay u dirty Muqdisho, ayaa kamid noqonaysa kaalmooyin horey loo geeyay oo ka yimid dalalka Caalamka.

Daawo sawirrada

33a

33a1

33a2

33a3

22539925_1596753370346248_7460607794873792135_n

22549540_1596752943679624_2716815853934918678_n

32

 

22519186_1596753540346231_5364737926177452466_n

22491488_1596753127012939_6716934310168503879_n

22528332_1596752867012965_4988399849649007634_n

22519408_1596753067012945_970940500058312936_n
Puntlandes.com

About The Author