Daaw Video: Madaxweyne Gaas Oo maanta kormeeray dhismaha wadada Ceel-Daahir & Ceerigaabo (Sawirro)

20 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray dhismaha wadada Ceel-Daahir  & Ceerigaabo oo dhismeheedo meel wanaagsan marayo.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxay kormeerkooda ku gaareen 5km oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ceel-Daahir oo iyadu ah goobta laga bilaabay wadada, 55km ayaa wadada loo dhamaystiray caro-tuur iyo jayba, 15km oo kamid ahna isbuucan gudihiisa ayaa la dhigi doonaa caro-tuurka iyo jaygaba.

Guud ahaan wadada inta lagashaqeeyey ayaa ah 70km, iyadoo qayb wayn ka qaadan doonta isku xirka gaar ahaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kan Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha.

Mashruucan ayaa noqonayaa kii ugu balaarnaa oo ay guud ahaan Soomaalida iyo gaar ahaan reer Puntland ay ku fuliyaan isku tashi iyagoo isticmaalaya jeebkooda aana ku xisaabtamaun jeeb ajani waxaana suurto galiyey Riyadan Madaxweyne Dr Gaas.

Hoos ska daawo muuqaalka

Daawo sawirrada
gaas-wadada

gaas-wadada-3

gaas-wadada-2

gaas-wadada-1

gaas-wadada-4
Puntlandes.com

About The Author