Kulankii Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray labada Aqal oo baaqday

21 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu qoray gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ka dalbaday kulan degdeg ah. Kaasoo ay ahayd inuu qabsooma maanta oo ay taariikhdu tahay 21ka Oktoober 2017ka.

27a5a

Guddoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada ku wargeliyey xalay in kulankaasi baaqdey, mana aysan sheegin sababta rasmiga ah oo aan ka ahayn arrimo farsamo darteed, dhanka kale lama sheegin xiliga Madaxweynuhu la hadli doono Xildhibaanada lamana qaban waqti kulan cusub.

Dastuurka ayaa Madaxweynuha u ogaanaya inuu isugu yeeri karo Xildhibaanada Baarlamaanka kulan aan caadi ahayn.

Baaqashadani waa markii u horeysey ee Madaxweynuhu dalbado in uu hor yimaado Xildhibaanada oo ay isugu yimadaan kulan aan caadi ahayn, taasoo baaqatey.

Kulanka Madaxweynhu dalbaday ayaa ku soo aaday 48 guuradii ka soo wareegtey markii ciidamada ay dalka Afgambi ku qabsadeen, iyagoo kala diray baarlamaankii ay shacabku saoo doorteen, kuwaas oo badankood xabsiga la dhigey 21 Oktoobar 1969 oo maanta ku beegan.

Kullankaan ayaa waxaana markiiba dad badan oo Soomaaliyeed u arkeen mid ku talogal uu madaxweyne Farmaajo ugu soo aadiyey, lama oga inay Villa Somalia u baajisay arintaas darteed.

Puntlandes.com

About The Author