sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Baydhabo

21 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kormeer ku tegay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka socdaan howlo dhismo ah, gaar ahaan halka ay diyaaradahu soo cago dhigtaan ee Run way,

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdiga la socday oo isugu jiray Wasiiro iyo Injineero waxa ay ku soo wareegeen qeybaha uu ka koobanyahay Garoonka, waxaana uu bogaadiyay dhismaha ka socda Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Wasiirka Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdullaahi Aadan Axmed (Cabdullaahi Black) ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso dhismaha garoonka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa uga mahadceliyay intii gacan ka geysatay dhismaha Garoonka, isagoo sheegay in tani ay waxbadan ka badali doonto sida uu garoonka hadda yahay, waxaana uu xusay in garoonka loo dhisi doono sida kuwa casriga ah oo kale ee dunida yaala.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa iminka dhismihiisa meel fiican maraya.

Puntlandes.com

About The Author