Daawo Muuqaal dhamaystiran: Cali Khaliif oo Soomaliland ka Codsaday inay ku Duusho Puntland

21 Okt 2017 (Puntlandes) Cali Khaliif Galayr oo maalintii Shalay Heshiis la galay Somaliland ayaa sheegay inuu Wel wel ka qabo Sida uu u miro dhali doono Heshiiska uu la gaadhay Somaliland.
34a4
Galayr ayaa wuxuu Codsaday inay Somaliland Duulimaad ku Qaado Puntland, Isagoo ku eedeeyay inay ku hayso Faragelin Siyaasadeed, Dhaqaalle iyo mid Ciidanba.

Cali Khaliif Galayr ayaa yiri “Puntland ayaa Duulimaad nagu ah Siyaasad ahaan, Dhaqaalle ahaan iyo Ciidan ahaan, Adeerayaal Nala garta oo Gacan na siiya, Harti iyo Daarood wax la dhaho ma jiraan, Buuhoodle maamul ayay naga dul dhiseen, Ciidamo ayaa ka joogay Kuwa kalana way Qorayaan” 

Cali Khaliif Galayr oo sii adkaynaya codsigiisii ayaa yiri “Wallaahay ma aamini doono Somaliland iyo Isaaq Hadii aysan Puntland oo Rabta Dhulkayaga Wax nagala Qaban”

Daawo muuqaal dhamaystiran oo ku saabsan ku biiristii Galayr ee Somaliland, hadalka Galayr ka bilow daqiiqadda 21:15.

Puntlandes.com

About The Author