Sawirro: Wax ka ogow sida ay dadka deegaanka u taageeraan dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo

22 Okt 2017 (Puntlandes) Shacabka iyo Dawladda Puntland ayaa waxay ku dhisayaan wadada isku xirta magaalooyinka Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo barnaamij isku tashi ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha dawladda Puntland.

Shaqaalaha ka shaqaynaaya dhismaha wadada waxay shaqeeyaan Saacadaha 6:00am ilaa 6:00pm, iyagoo si toos ah u shaqeeya mark alaga reebo biririfta ama qaadashada waqitiayada Salaadda, qadada iyo Shaaha iwm.

 

Sidee uga qayb qaataan dadka deegaanku?

Mar walba waxay Shacabka deegaanka ee ay shaqada dhismaha waddadu marayso la garab taagan yihiin hawl-wadeennada waddada taageero aad u xoogan oo la’aanteed ay adkaan lahayd shaqada dhismuhu.

Shacabka ayaa la garab taagan hawl-wadeennada Shaah, Biyo, Cunno kala duwan iyo Xoolo nool oo hadba dhowr neef loo qalayo shaqaalaha waddada.

Dhanka kale waxay shacabka deegaanka Midigale ay si mug leh u marti geliyeen hawl-wadeenada waddada iyagoo dugsigii Hoose/Dhexe ee magaalada ay dajiyeen hawl-wadeenada waddada, halka Ardaydii wax ku baran jirtayna ay waxbarashadii ugu wareejiyeen guryo magaalada ah taasoo socon doonta ilaaa inta shaqada waddadu ay dhamaanayso.

Deegaanada Midigale iyo Cawsane waxaa iminka loo kala socdaa 12 daqiiqo, halka markii hore loo kala socon jiray  in kabadan 50 daqiiqo. Sidoo kale Cawsane iyo Ceel-Daahir waxaa iminka loo kala socdaa 25 daqiiqo, halka markii hore loo kala socon jirey 2saacadood iyo kabadan.

Qof aan horay u marin iminkana soo marin oo aan isku barbar dhigi karin sidii ay markii hore ahayd waddadu iyo sida ay iminka tahay way ku adag tahay inuu sawir sax ah ka qaato isbedelka aadka u wayn oo ay keentay dhismaha waddadaas, waxaana dhibka wadadu uu noloshooda saamayn jiray dhaawac dhiig baxaya, Hooyo uur leh, dad xanuunsan iyo qaybaha kale ee bulshada.

Haddii aad ku safarto 70km oo la dhisay waxay kugu qaadanaysaa 37daqiiqo halka 18km ee dhiman ay kugu qaadanayso 1:12 daqiiqo, waxaa kuu soo baxaya isbedelka nololeed ee aadka u lixaadka wayn ee ay dhismaha waddadani keeni doonto.

Puntland way ku guulaysatay Riyadeedii ahayd ”Puntland Haysku Tashato”

Daawo sawirrada
34b1

34b2

34b3

34b4

34b5

34b6

34b7

Puntlandes.com

About The Author