Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo si kumeel gaar ah umagcaabay taliyaha Booliska

34c1

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
Xeer Madaxweyne Lr. 127 October 22 2017, kuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Markuuarkay:- Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey:- Aqoontiisa Iyo Khibradiisa Shaqo

Markuu Qiimeeyey:-Talo soojeedinta Wasiirka Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:-
1. Waxaa G/Sare Cabdullaahi Shire Dool si kumeel gaar ah loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Dhanka kale: Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo shaqadii looga joojiyay taliyaha ciidanka booliska

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, taas oo shaqadii looga joojiyey xabsi gurina lagu xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 126 October 22 2017, kuna saabsan shaqa kajoojin iyo xabsiguri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu qiimeeyey:- Falalkii uu kukacay taliyaha ciidanka Booliska Puntland
taariikhdu markay ahayd 21 October 2017.

Wuxuu Xeeriyey:-
1. Waxaa S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga joojiyey shaqada Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

2. Waxaa sidoo kale S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga dhigay (xab siguri) ilaa amar danbe.

Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Puntlandes.com

About The Author