Dowladda Puntland oo kordhisay Miisaaniyada Waxbarashada

23 Okt 2017 (Puntlandes) Wasiirka maaliyadda, Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa shaaciyay inay Dowladda Puntland kordhisay miisaaniyada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.
Calanka-Puntland

Wasiirka Caarshe ayaa sheegay in miisaaniyada waxbarashada Puntland lagu kordhiyay 1%, taasoo wadarta guud ee miisaaniyada waxbarahada ka dhigaysa 4.5%.

Ujeedada loo kordhiyay miisaaniyada ayaa ahayd in kor loosii aqaado tayada waxbarashada Puntland, maadaama waxbarashadu tahay meelaha ugu muhiimsan dowladnimada.

Go’aan lagu kordhiyay miisaaniyada waxbarashada ayaa maanta looga dhawaaqay shir ku saabsanaa daahfurka wajiga labaad ee taageerada barnaamijka iskaashiga calaamiga ah ee waxbarashada Puntland, kaasoo maanta Garowe lagu daahfuray.

Puntlandes.com

About The Author