Madaxweyne Gaas oo Garowe kusii jeeda xalayna ku hoyday magaalada Jowhar

24 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay ku hoyday magaalada Jowhar ee Caasimadda dawlad Goboleedka Hirshabeelle, kaddib markii shalay gaaray halkaas si uu uga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle Waare.

34c3

Madaxweyne Dr Gaas ayaa ah Madaxweynaha kaliya ee dawlad goboleedyada ee xalay ku hoyday Jowhar, iyadoo Madaxdii kale ay shalay gelinkii dambe dib ugu laabteen.

Labada Madaxweyne Dr Gaas iyo Waare oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada iyo Guddoomiye kuxigeenka ayaa si gooni ah uga wada hadlay khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka iyo shirka ka dhacaya 28ka bishan magaalad Muqdisho ee uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay iyo arrimo kale.

Puntlandes.com

About The Author