Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Aqalka Sare uu na ka mid yahay Jawaari oo kusii jeeda Garowe

24 Okt 2017 (Puntlandes) Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu na ka mid yahay Gudoomiyahay Golaha Shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxay kusii jeedaan maanta Caasimadda Puntland ee Garowe.

34c4

Wafdi oo aad u balaaran kana kooban Baarlamanka JFS labadiisa Gole ayaa waxay ka qayb galayaan furitaanka kalfadhiga barlamanka dawladda Puntland uu madaxweyne Dr Gaas malinta berri ah furi doono Caasimadda dawladda Puntland.

34c5

Waa markii u horaysay oo uu Garowe tago Gudoomiye Jawaari, isagoo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka JF Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author