Faahfaahin dagaalkii ay Galmudug kusoo qaaday Deegaanka Godod

26 Okt 2017 (Puntlandes) Dagaalkii ay saaka abaarihii saddex saac iyo bar ay kusoo qaadeen Ciidamo maalmulka Galmudug ah deegaanada Gacmafale iyo Godad ee bariga gobalka Mudug ayaa keenay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

32c3

Aagga ay soo weerartay Galmudug ayaa 45km u jirta magalada Gaalkacyo, wuxuuna khasaaruhu yahay dhanka Puntland 3 dhimasha ah iyo 12 dhaawaca halka dad goob joogayaala ay noo sheegeen in dhimashada iyo dhaawaca Galmudug  uu aad u badan yahay.

Gurmadyo Ciidan ayaa gaaraya aagga lagu dagaalamay, waxaana ka jirta xiisad colaadeed oo aad u saraysa.

Gaalkacyo
Ciid Cismaan Faarax

Puntlandes.com

About The Author