DEG DEG QARAX XOOGAN OO KA DHACAY MUQDISHO (SAWIR)

28 Okt 2017 (Puntlandes) Qaraxa xoogan ayaa ka dhacay Hoteelka Naasahablood 2 oo ku yaala Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho.

IMG-20171028-WA0044

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Marka hore qarax gaari lagu dhuftay irida hore ee Hoteelka islamarkaasina rag hubeeysan ay rasaas toos ah ku weerareen Hoteelka.

Ilaa iyo Hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxani maadaama uu Goordhow ka dhacay Muqdisho.

14Kii Bishaan ayey aheyd markii qarax wayn oo qasaare badan gaystay uu ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

QARAX KALE OO LALA BEEGTAY DADKII ISUGU YIMID GOOBTA QARAXA

Qarax kale ayaa lala beegtay dadkii isugu yimid meesha uu ka dhacay Qaraxii hore, kaasoo kii hore ka yar laakiin qasaarihii sii kordhiyey.

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author