Sawirro: Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo si ballaaran loogu soo dhoweeyay Muqdisho

28 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (XAAF) ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo si ballaaran loogu soo dhoweeyay halkaasi.

Wafdiga Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Siciid Faarax (Juxa), xildhibaano ka tirsan labada Aqal, siyaasiyiin, iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka qeyb geli doono shirka uu Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ku dhawaaqay inay Muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe oo la filayo inuu maanta gelinka dambe bilowdo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qeybta VIP-da kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax (Juxa), iyo xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda deeganada Maamulka Galmudug.

Shirka Dawlad Goboleedyada dalka & DFS

Magaaladda muqdisho oo uu maanta ka furmayo Shirka Dawlad Goboleedyada dalka & DFS ayaa waxaa shalay soo gaaray Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana lagu wadaa in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo  Puntland ay goor dhow soo gaaraan Muqdisho.

Daawo sawirrada
1

1a

2

3

4

5

6

7

7
Puntlandes.com

About The Author