Wasaaradda Amniga XFS oo sheeegtay in Gacanta lagu dhigay 3 ka mid ah Ragii weerarka gaystay’

29 Okt 2017 (Puntlandes) Laamaha amaanka DFS ayaa saaka soo afjaray weerarkii ay maleeshiyaadka Alshabaab ku qaadeen shalay galabnimadii Hotelka Naasahablood 2 ee Degmada Xamar-weyne.

 3b

Wasaaradda Amniga XFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamada gaar ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Rag ka tirsan dhagar qabayaashii weerarka kusoo qaaday Hotelka Naasahablood2 ee Degmada Xamar-weyne halka qaar ka mid ahna  ay Ciidamadau dileen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga  XFS C/casiis xildhimaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen sadex ka mid dhagar qabayaashii weerarka soo waaday halka midna isku dhexe qaraxiayay Hotelka gudihiisa.

Ragga weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa ka koobnaa shan”5″ mid ka ah waxaa uu isku qarxiyay gaariga midna gudaha  Hotelka ayuu isku qarxiyay inta kale nolal ay ku hayaan Ciidamada Amaanka DFS.

Wali Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah oo ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu ku qaadeen Hotelka Naasahabloo 2  ee Degmada Xamar-weyne

Puntlandes.com

About The Author