Maxamed Saleebaan Diiriye oo uu madaxweynaha Puntland u magacaabay Gudoomiyaha Degmada Bursaalax

29 Okt 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa taarikhdu markay ahayd 27ka Oktoober 2017 u magacaabay Gudoomiyaha Degmada Bursaalax mudane Maxamed Saleebaan Diiriye.

24b

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu u magacaabay Bashiir Maxamed Guuleed  Gudoomiye ku xigeenka degmada ee gobolka Mudug.

Maamulka cusub ee ay yeelatay Degmadda Bursaalax ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyey ee ay yeelato degmadaasi,.

Bursaalax ayaa afar degmo oo cusub oo ay ku jirto waxaa lagu ansixiyey shirkii Golaha wasiirada oo uu gudoominayey madaxweyne Dr Gaas ee qabsoomay 29kii Jun 2017, iyadoo uu Baarlamaanka Puntland na ansixiyey degmonimadeeda 29kii july 217.

 

Waa kuma Godoomiyaha cusub?

2a

Maxamed Saleebaan waa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah, dad wadasho & daacadnimo ku sifoobay, karti iyo Hufnaan lagu yaqaan.

Gudoome Maxamed wuxuu kasoo shaqeeyey Waxbarashada Gobolka Mudug, isagoo u ahaa wakiilka Waxbarashada ee Hay’adda EDC ee Gobolka Mudug

Wuxuuna Maxamed si xoogan uga soo shaqeeyey arimaha horumarinta Gobolka Mudug iyo gaar ahaan Degmada Bursaalax.

Degmada Bursaalax oo dhawaan loo magacaabay Degmonimo ahna meel hada ay koow tahay dhismaha maamulkeeda ayaa waxaa la oran karaa waxay heshay Gudoomiyihii dhidibada u taagi lahaa maamul wanaag iyo horumarkeeda.

Puntlandes.com

About The Author