Bursaalax & 3 degmo oo kale oo ay Golaha wasiiradda ee dowladda Puntland Ansixiyeen maanta

29 June 2017 (Puntlandes) Shirkii Golaha wasiiradda ee dowladda Puntland oo uu gudoominayey madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa maanta lagu ansixiyey afar degmo oo kamid noqondoono degmooyinka Puntland.
30

Degmooyinkaan ayaa waxay kala yihiin:

  1. Bursaalax oo katirsan gobolka Mudug
  2. Shaxda oo katirsan gobolka Karkaar
  3. Xumbays oo katirsan gobolka Bari
  4. Dhudhub oo katirsan gobolka Karkaar ah

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose, ayaa degmooyinkaan horkeentay shirka golaha wasiiradda ee khamiislaha ah, waxaana lagu meel mariyay cod gacan taag ah.

Degmooyinkaan waxay wasaaraddu sheegtay inay buuxiyeen sharuudihii heer degmo ee looga baahnaa, sidaas daraadeedna ay xaq u leeyihiin in ay kamid noqdaan degmooyinka rasmiga ah.

Degmooyinkaan cusub ayaa waxaa loo gudbin doonaa gollaha Baarlamaanka Puntland.

Puntlandes.com

About The Author