Daawo Video: C/raxmaan C/shakuur “Go’aan Arrimo dibadeed marka aad gaareyso waa in ay ku dhisan tahay maslaxada …”

30 Okt 2017 (Puntlnades) Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha oo ka qeyb galayay dood looga hadlayay khilaafka Khaliijka iyo go’aanka ay DFS kula safatay Qadar.

7c

Siyaasiga C/raxmaan ayaa sheegay inay tahay go’aanka arrimaha dibadda ee ay .gaartay dowladdu mid ay marka hore ka eegtay maslaxada shacabka Soomaaliyeed.

“Go’aan arrimo dibaddeed marka aad gaareyso, waa in ay maslaxada qowmiga ah ku dhisan tahay. Maslaxad shaqsiyaad xukunka kula jooga ama adiga damacaaga gaarka ah inay ku dhisan tahay maaha waa in ay danaha Qaranka ku qotontaa, taasi kaliya maaha ee waa inaad soo hor-istaagtaa Ummadda aad Madaweynaha u tahay oo aad u sheegtaa sababaha aad go’aanka ku gaartay”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Siyaasiga C/raxmaan ayaa sheegay in Soomaaliya xiriir soo jireen ah uu kala dhaxeeyay dalalka Carbeed wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya “Anaga intaan ognahay Soomaaliya taariikheeda siyaasadeed marka dib loo fiiriyo oo wadamada Carabta kala dhexeeysa Seddex dowladood ayuu is-baheeysi kala dhexeeyey waa Maser, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Seddexdaas dowladood ayaa u ahaa saaxiibo (Traditional Ally) marna Soomaaliya lama noqon dowladda Qatar saaxiib, kaliya dowladda Qatar waxa ay mar walba gacan siisaa Kooxaha hubeeysan ee Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda sida Shabaab maxaa yeelay nooca dowladda Qatar ayaa saas ah oo hadda qaar ka mid ah Kooxaha Adduunka argagixisada u aqoonsaday xafiisyo ayey ku lee yihiin dalka Qatar”

Sidoo kale waxaa uu sheegay in muhiimadaha Soomaaliya ay u leeyihiin wadamada Carabta, gaar ahaan kuwa Sucuudiga uu hoggaamiyo oo ay ka hortimid Dowladda Soomaaliya .

“250,000 oo xoogsato Soomaali ah ayaa ku nool dalka Sucuudiga 300 Milyan ayaan sanadkii Soomaaliya ka heshaa xoolaha aan u dhoofino, meesha labaadna ee dalkeena dhaqaalaha ka soo galo waa Imaaraad oo Xawaaladaha Soomaalida marin u ah marka aniga waxaan fiiri lahaa maslaxadda Ummadda ee teeya ma fiirsadeen”ayuu yiri.

Ugu dambeyntii C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Khilaafka dalka ka jira uu salka ku hayo watashi la’aan iyo go’aan yeelashada masiirka dalka “Dalkan inta laga helayo awood dawladeed oo buuxda iyo doorasho shacabku awood ku siiyaan madaxda, Dastuurkuna uu qabyo yahay, waxaa haboon in wadar ogol iyo isla guddoomin lagu wado”

Si kastaba ha ahaatee go’aankii Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafkii Khaliijka ayaa qeyb ka noqday mushkiladaha siyaasadeed ee ay la daalaa-dhaceeyso Dowladda Madaxwene Farmaajo.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author