Akhriso qodobada looga hadlayo Shirka DFS & Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada

30 Okt 2017 (Puntlnades) Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada dalka oo shalay uu shir uga furmay magaalada Muqdisho ayaa shirkooda maanta waxa uu gelay maalinkii labaad.

3

Madaxda dalka ayaa waxaa miiska u saaran qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

1-SIYAASADA

a)Dajinta iyo xalinta xiisadaha siyaasadeed ee Taagan: joojinta dhamaan wax ala iyo waxii sii kordhin kara xiisadaha siyaasadeed ee hada taagan si fursad loo siiyo in si dagan looga wada hadlo, loona xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac.

b) Hagaajinta Iskaashi labada dhinac: Abuuritaanka xiriir iyo hanaan wada shaqayn oo cusub kaas oo ku dhisan iskaashi iyo talo wadaag.

c) Qorsheynta Kaalmooyinka: Ka wada hadalka arimaha Kaalmooyinka si loo helo hab iyo hanaan isu dheeli tiran oo loo qaybsanayo Kaalmooyinka dibada laga helo.

d) Hindise Sharciyeedyada: Ka wada hadalka arimaha xeerarka hay’adaha Dowlada dhexe meel marinayaan.

2-HANAANK FEDERALAYNTA

a) Awoodaha iyo Khayraadka: Kawada hadalka iyo ka go’aarista sida ugu haboon oo loo wadaagi karo Awoodaha iyo Khayraadka.

3-DIB U EEGISTA DASTUURKA

a) Hanaanka Dastuurka: Samaynta Hanaan iyo qorshe mideysan oo qeexaya geedi socodka dib u eegista dastuurka kaas oo damaanad qaadaya doorarka kala duwan ee ay kala yeelanayaan matalayasha dib u eegista Dastuurka.

4-DOORASHOOYINKA

a) Doorashada 2020: Dajinta qorshe hawleed qeexaya haananka geedi socodka doorashooyinka kaas damaanad qaadaya in la gaaro hal cod hal qof sanadka 2021.

b) Xisbiyada: Dardargaliyo dhamaystirka hanaanka siyaasada xisbiyada

5-AMNIGA

a) Qorshaha Amniga: Dardargalinta fulinta Qorshe hawleedkii amniga oo ay ugu horeyso isku dhafka ciidanka iyo dib u qaabaynta qaybaha ciddanak wadanka.

b) Golaha Amniga Qaranka: Dib u eegista habka iyo hanaanka go’aan qaadashada Golaha.

c) Wadaaga kaalmooyinka ciidanka: Abuurida hanaan isu dheeli tiran oo lagu qaybinayo saraakiisha, tababarada iyo qalabka ciidamada.

d) Ciidamada Amniga ee DG: Helida hanaan lagu kaalmayn karo cidamada Dowlad Goboleedyada. e. Doorka SNA iyo NISA: In la cadeeyo doorka ciidamada qaranka ee jooga dowlad Goboleedyada.

8

 

Puntlandes.com

About The Author