Guddoonka Golaha shacabka oo sheegay in loo soo gudbiyay mooshin ku saabsan xaalada amni ee dalka

30 Okt 2017 (Puntlnades) Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa Guddoonka Golaha u gudbiyay mooshin ku saabsan xaalada amni ee dalka.

29b2

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa fadhigii maanta ka sheegay inuu ka guddoomay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Mooshinkaas.

Guddoomiye kuxigeenka Golaha shacabka ayaa yiri “Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka waxay ii keeneen Mooshin ku saabsan amniga dalka, in laga hadlo waxa kaga aadan xaalada amni ee dalka, si gaar ah ayay noo taabaneysa howlaheena waaye”

Waxaa uu ugu baaqay Guddiyada Difaaca iyo Amniga inay galabta isugu yimaadaan Villa Hargeysa, si looga hadlo qaabka loogu wajahayo Mooshinka, si wixii ay isla meel dhigaan u horkeenaan Golaha Shacabka.

Ilo ku dhow dhow Guddoonka Golaha shacabka ayaa sheegaya in Mooshinkan uu suura gelin doono in loo yeero Ra’iisul Wasaaraha ama Wasiirka Amniga, inkastoo shalay Golaha Wasiirada ay xilka ka qaadeen Taliyaha Nabadsugida iyo Taliyaha Booliska

Bishan gudahood ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay labo weerar oo is qarxin ah, kaasoo dad badan ku dhinteen, 14-kii bishan weerar qarax loo adeegsaday baabuur xamuul oo ka dhacay Isgoyska Zoobe waxaa ku dhintay in ka badan 360 oo ruux, halka 28-kii bishan weerar lagu qaaday Hotelka Naasahablood lagu dilay dad ka badan 25 ruux.

Puntlandes.com

About The Author