Sawiro: Wasaarada Deegaanka Puntland oo biyo Xireen cusub ka dhagaxdhigtay Degmada Rako-raaxo ee gobolka Karkaar.

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo ay weheliyaan Maamulka gobolka Karkaar, gudoomiyaha degmada Rako-Raaxo, Cuqaal iyo waxgarad kaladuwan ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay Biyo-xireen cusub oo ay wasaarada Deegaanku ka dhisayso Togga  Dabqax oo kuyaala deegaanka Uur-jire Degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar.

Dhagax dhiga biyo xireenkan cusub ka hor waxay waftigu soo indha indheeyeen xaalada deegaanada u dhexeeya Degmada Qardho iyo degmada Rako Raaxo gaar ahaana xaalada tan Deegaanku uu ku suganyahay iyagoo soodhawayn balaaran kalakulmay qaybabaha kaladuwan ee bulshada.

Eng, Abdiweli Yuusuf Adan oo ah Injineerka Wasaarada Deegaanka ayaa sheegay Dhismaha biyo xireenka Dabqax uu kamidyahay qorshaha wasaarada Deegaanku ay ugu jirto latacaalida saamaynta  isbedelka cimilada oo ay kamid tahay Biyo-yaridu, waxaana uu Injineerku sheegay in biyo xireenkan loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan in kabadan 2,000 oo qoys oo ku nool deegaanka biyo xireenka laga dhisayo iyo deegaanada kale ee u dhow.

Kusimaha gudoomiyaha gobolka Karkaar, Cuqaasha, waxgaradka Deegaanka iyo maamulka degmada Rako-Raaxo ee gobolka Karkaar ayaa siwayn usoo dhaweeyey in wasaarada deegaanku ay Biyo-xireenkii labaad ka dhistay gobolka Karkaar waxaana ay sheegeen inay ilaashan doonaan Biyo Xireenka islamarkaasna ay rajaynayaan inay si wayn uga faa’iidaystaan.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed (Maareeye) oo gabagabadii dhagax dhiga biyo xireenka Dabqax ka hadlay ayaa sheegey Biyo xireenkan uu yahay nooc casri ah islamarkaasna la rajaynayo inuu kaydiyo  inkabadan toban Milyan litir oo biyo ah taas oo uu sheegey in ay waxkabadali doonto nolosha dadka, xoolaha iyo Duurjoogtaba waxaana uu dadweynaha deegaanka kula dardaarmay inay ka fogaadaan waxkasta oo waxyeeli kara dhismaha biyo xireenkan.

Daawo sawirrada

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15
Puntlandes.com

About The Author