Daawo Video: Wasaarada Kaluumaysiga P/land oo Baarlamaanka hortagtay

Madaxda wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka badda Puntland oo 23 Nov 2014 hortagay golaha wakiilada Puntland, waxaana lagu waydiiyey su’aalo kulul oo salka ku haysa heshiisyada mudo ka yar sanad lala galay boqolaal doonyo iyo maraakiib jariif ka wada biyaha badda Puntland.
Masuuliyiinta Wasaarada Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland sida wasiirka, ku xigeenkiisa iyo Wasiiru dowlaha ayaa isku dayay inay si adag isaga difaacaan eedeynta xildhibaanada Puntland ugu soo jeediyeen habka shaqada ee Wasaarada.
Xukuumadda Dr Gaas ayaa gashay mudadii yarayd ee ay talada dalka haysay Heshiisyo fara badan oo ku saabsan in shirkadao shisheeye xaalufiyaan Badeena.
Daawo Videoga

Puntlandes.com

About The Author