Dhagayso: Siyaasi Dhuubane ”Shacabka Puntland waa in ka Tashtaan Xukuumada Dr Gaas”

Cabdirashiid Cali Xaashi “Dhuubane” oo ka mid ah siyaasiinta caanka ka ah Puntland ayaa sheegay maanta mar uu Saxaafada kula hadlayey magaalada Garowe in ay iminka Puntland qar ka laalaado uuna Bohol ku riday madaxweyne Dr Gaas.Wuxuu Siyaasigu dhaliil u soo jeediyey Hogaanka Dr Gaas oo soo urursaday Guulwayaan u sacabiya oo kaliya

Siyaasi Dhuubane  ayaa ku eedeyey Madaxweyne Gaas inuu ku riday horumarkii iyo rajadii Puntland god, islamarkaana waxa uu sheegey inuu ku fashilmay hogaaminta maamulka mudadii yareyd ee uu joogay xafiiska.

Dhuubane ayaa baaq deg deg ah ugu jeediyey Dadweynaha Puntland inay isugu yimaadaan tashiyo lagu bad baadinayo xaalad uu ku tilmaamay mid halis ah oo xilligan ay ku sugan tahay Puntland.

Halkan ka dhagayso Siyaaasi Dhuubane

Puntlandes.com

About The Author