Dhagayso: RW Kheyre iyo Shariif Xasan oo Baydhabo ku kulmay (Sawirro)

22 Nov 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo u-kuurgelid ah ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Axmed Shiikh Aadan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda.

Ugu dambeyn, Intii uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author