Is rasaasayn u dhaxaysa Ganacsato oo ka dhacday Suuqa wayn ee Gaalkacyo

23 Nov 2017 (Puntlandes) Wararka Warbaahinta Puntlandes ay ka helayso helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in israsaasayn ay ka dhacday Suuqa wayn ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhex martay ganacsato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.
22b3
War lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inay israsaasayntaas ay ku dhinteen Ganacsade caan ka ahaa Gaalkacyo oo kasoojeeda dhanka Galmudug, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdikariim Galax.
Khasaaraha ayaa ah 3 dhimasho ah oo kasoo jeedo dhanka Galmudug, halka uu jiro dhaawac kasoo jeeda labada dhan.

Rasaastu ayaa ka bilaabatay kadib markii ganacsato kasoo jeeda xaafada Baraxley ee dhanka Galmudug ay diideen in la furo bakhaar kuyaala suuqa cir-toogtaha.

Bakhaarkaan iyo goobta laga dhisayba waxaa iska leh ganacsato reer Puntland ah, iyadoo markii saakay la isku dayay in badeecado lagu dajiyo ay ganacsatada kasoo jeeda Galmudug ku bilaabeen xabbado iyagoo diidan in dadku hantidooda ku ganacsadaan.

Xaaladda magaalada ayaa hadda ah mid aad u kacsan waxaana jiro saansaan colaadeed oo aan horay loo arag. Dadka ka faalooda arimaha Mudug ayaa sheegaya inay hadda gacanta ka baxday maadaama ay tahay ganacatada waxa hadda dagaalamay.

Puntlandes.com

About The Author